Mr. Bahame Tom Nyanduga oo ah u qaabilsanaha Qaramada Midoobe arrimaha xuquuqul insaanka oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka Hadlay arrimo badan oo la xiriira tacadiyada.
Mudane Mr. Bahame Tom Nyanduga ayaa ugu horeyn shirkiisa Jaraaid kaga hadlay shirar uu kaga soo qeyb galay Magalooyinka maamul Goboleedyada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed soomaliya iyo Juba-land
“Waxan la kulmay waliba si gaar gaar ah aan ula kulmay Raisulwasaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Gudoomiyaha barlamanka soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari waxaan sidoo kale tagay magalooyinka kismaayo iyo baydhabo waxaan kula soo kulmay magaaloyinkasi madaxda maamulada iyo ururada Bulshada Rayidka arrimaha aan kala hadlay ayaa u badnaa dhanka xuquuqul insaanka, ayuu yiri Mudane Mr. Bahame Tom Nyanduga
Shirkiisa Jaraa’id Mudane Mr. Bahame Tom Nyanduga ayuu sidoo kale kaga Hadlay xadgudubyada ay geystaan mararka qaar ciidamada Midowga afrika ee amisom ee ku sugan qaar kamid ah Magaalooyinka Gobolada dalka Soomaliya.
‘’Haa waan ognahay in ay jiraan xadgudubyo ay geystaan ciidanka amisom gaar ahaan kii ugu dambeeyay ee gobolka shabelada hoose ka dhacay waxaan la kulmay Taliyaha ugu sareeya Ciidanka amisom ee soomaliya ka howlgala waxa uu ii sheegay in falka AMISOM ay ku kaceyn wax laga Qabtay sihoosana loo xaliyay, taliyuhu waxaa kaloo ii sheegay in askartii falkaasi ka dambeysay loo sameeyay tababar si aysan ugu laaban falka ay ku kaceyn ayuu Mar kale Yiri Mr. Bahame Tom Nyanduga oo ah u qaabilsanaha Qaramada Midoobe arrimaha xuquuqul insaanka
Hadalka Mr. Bahame Tom Nyanduga oo ah u qaabilsanaha Qaramada Midoobe arrimaha xuquuqul insaanka ayaa kusoo beegamaya xili Todobaadkii aynu soo dhaafnay Ciidamo ka Tirsan AMISOM ay deegaanka Buulo- Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dileen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.

