Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada dhexe, ayaa sheegaya in deegaano hoos yimaada Gobolkaas in uu ka dilaacay Cudur aan la garaneyn waxa uu yahay balse leh astaamo ay kamid yihiin, shuban iyo matag,
Madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Xasan, oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hay’ada baaritaano ay sameesay kadib ay ku ogaatay in deeganada Bu’aale, Salagle, Saakow iyo tuulooyin hoostaga deegaanadaasi. In uu ka dilaacay Cudur aan la garaneyn waxa uu yahay.
Mudane Maxamuud Xasan Madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Waxa uu sheegay in todobaadkii ugu dambeeyey cudurkaasi ay u dhinteen ku dhawaad 100-qof oo shacab ah, isaga oo ku baaqay in laga qeyb galo bad baadinta dadkaasi.
Madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’ada Maareynta Musiibooyinka qaranka waxa uu sidoo kale tilmaamay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay deegaanka Saakow, oo kaliya ay ku dhinteen afartan iyo shan ruux oo uu saameeyey cudurkaasi.

