Xildhibaanad Foowsiyo yuusuf Xaaji Aadam oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siisay Radio Simba ayaa ka hadashay arimo dhawr ah oo ku saabsan Xaaladda dalka uu marayo si gaara waxaa ay uga hadashay dhibaatadii dhawaan ku dhacday dhallinyarada Soomaaliyeed eek u dhintay badda xilli ay tahriibayeen.
Xildhibaanaddu waxaa ay sheegtay in loo baahanyahay in Dowladda Soomaaliya,Shirkada ganacsi ee gaar ah iyo ururada shaqaaluhu ay iska kaashadaan sidii shaqa abuur loogu sameynlahaa dhallinyarada Soomaaliyeed si markaasi ay uga baaqsadaan in naftooda tahriib iyo dhibaato ay ku halakeeyaan.
Waxaa ay wax laga xumaado ku tilmaamtay in iyadoo dalka ay dowladi ka jirto in markaasi dhallintii dalka u dhalatay ay badaha ku dhammaanayaan cid ficil ahaan uga jawaabtana illaa hadda la la’yahay marka lagasoo tago sida ay sheegtay cambaareeyn iyo hadal aan meel gaarsiisneyn.
Madaxda Dowladda ayey ku dhaliishay in aysan waxba u qaban dhallintu markii ay waxbarashada dhameystaan taasi oo ay ku sheegtay in ay tahay sababta ugu weyn ee ay markaasi uga tahriibayaan dalkooda hooyo.
Shirkadaha ganacsiga ee sida gaarka loo leeyahay ayey sheegtay in markaasi iyagana laga doonayo waajib la mid ah midka dowladda saaran oo ah in ay shaqaaleysiiyaan dhallinta jaamacadaha ka baxay.
Sidoo Kale Xildhibaanad Fowsiyo Xaaji ayaa ka hadashay arimaha ku saabsan qorshaha lagu dabar goynaayo kuwa dhallinta tahriibiya iyo sida ugu fudud ee lagu burburinkaro,waxaa ayna sheegtay in dowladdu ay ka taxadarto markii ay burburiso kooxahaasi in ay jirikaraan kooxo kale oo shaarv kale huwan ka hoos abuurma kuwaan dhallinta dhibaatada ku haya.

