Madaxweyne Xasan Shiikh:- Waxaa la Joogaa Xiligii Soomaliya Laga Qaadi Lahaa Cuna-qabataynta Hubka

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo qudbad ka jeediyay shirka Golaha amaanka ee qaramada Midoobe ayaa Golaha ka codsaday in dalka soomaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka si  ciidamada dowlada soomaliya ugu adkaadaan Xarakada Al-shabaab.

Mudane Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya ayaa Tilmaamay in dalka soomaliya wali laga dareemaayo dhibaatooyinkii ka dhashay dowlad la’aanta, welina raadadkoodka ay muuqdaan qaababka loogu bixi karo Madaxweynaha waxa uu  ku sheegay xoojinta amaanka iyo nabadaynta dalka oo dhan.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in beesha caalamka ay qeyb weyn ka qaadatay dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed  wuxuu dhanka kale Madaxweynaha sheegay in la qaaday tallaabooyin wanaagsan oo lagu hubinayo qorista Ciidamada iyo mushaarkooda,

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in afar guuto oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland lagu soo biiriyay ciidamada xoogga dalka,iyadoo la rajaynayo in bisha July ee soo socota in labo guuto kale lagu soo biiriyo,

Dalka Soomaliya ayaa sanadkii 1992-dii waxaa la saaray  cunaqabatayn xagga hubka ah, kadib markii dalka ay ka dhaceen dhibaatooyin

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here