Madxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud oo ka qeyb galaya shirka qaramada midoobe ee soomaaliya ayaa qudbad ka jeediyey shirka Magaalada newyork ka socda.
Madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in baarlamaanka cusub ay soo dooran doonaan 14,000 oo ruux oo soo xuli doono baarlamaanka imaanaya ee doorashada cusub ee sanadkaan ka qeyb qaadanaya.
Doorashada cusub waxa ay u dhici doontaa qaab waafaaqsan dimuqraadiyada taasi oo baarlamaanka cusub ay ku shaqeen doonaan ayuu yiri madaxweyne xasan sheikh.
Madaxweynaha oo ka hadlay arrimaha amniga ayaa sheegay in qorshaha dowlada uu ahaa in sanadkaan dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ay dhici weysay ka dib arrimaha amaanka oo wali ay dhibaato ka jirto ayuu yiri madaxweynaha.
Sanadka 2020-ka ayaa xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya uu sheegay in dalka uu gaari doono doorasho qof iyo cod ah.
Xasan sheikh ayaa shalay u duulay dalka mareykanka isagoona ka qeyb galaya kulanka qaramada midoobe ee newyork ka socda.

