Saddex Ruux oo Lagu  Dilay Xaafada Al Baraka ee Degmada Hodan

0

Kooxo hubeysan oo ku labisnaa tuutaha Ciidanka Dowladda Somaliya, ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Ku dileen 3-ruux oo shacab ahaa.

Ragga falkaan geystay , ayaa damacsanaa inay dhacaan sida la sheegay gaari rakaab siday, kuna sugnaa xaafadda Al Baraka,  ee degmada Hodan balse rakaabkii oo ka cararay ragga Hubeysan, ayaa waxay keentay in rasaas xoogani ay oodda kaga qaadaan.

Inta la xaqiijiyay laba wiil iyo gabar ka mid aheyd dadka deegaanka. Ayaa ku dhintay rasaasta ay fureen raga hubeysanaa iyadoo waxyeelo aysan soo gaari  rakaabkii gaariga saarnaa ee ka cararay raggaasi. Sida goob-joogayaal idaacada simba u sheegeen.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay raggii ka dambeeyay dilka 3-ruux ee kamid ahaa dadka deegaanka degmada Hodan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here