Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo Ruushka ka Codsaday in Soomaliya  Laga Taageero Dhinacyada Dhaqaalaha iyo Amniga

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar c/Rashiid Cali Sharmarke oo ku sugan dalka Ruushka ayaa kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Sergei Lavrov oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Kulanka Labada Mas’uul oo ka dhacay magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka ayaa diirada waxaa lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dowladda Ruushka ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar c/Rashiid Cali Sharmarke ayaa kulanka intuu socday  dowlada Ruushka ugu Mahadceliyay sida wanaagsan ay mar walba u Taageerayso dowlada soomaliya wuxuu ka codsaday Ruushka in soomaliya xiligaan laga taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

“Howlgallada nabadda lagu soo celinayo ee ka socda dalka waxa uu yahay mid u baahan in ciidamada amniga la taageero, si ay u dar dargeliyaan howlgalka, waxaana idinka codsaneynaa in aad naga caawisaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada xoogga dalka”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Dalka

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa tilmaamay in dowladda Ruushka ay Soomaaliya ka caawin doonto nabad ku soo dabaalidda dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here