Qoys Ku Nolaa Deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo La Gubay

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in xalay deegaankaas ay ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii hooyo da’ ah  iyo Caruur ayey ayeeyo u ahayd oo gaaraya 4 lagu gubay deegaankaas.

Kooxo hubeysan oo aan la garan waxa ay ahaayeen ayaa la sheegay in  habeenkii xalay ay u dhaceen guriga ay ku noolaayeen qoyskaan waxayna isku xirxireen sida la sheegay caruurtii iyo hooyada iyagoona markii dambe dab qabad siiyay.

Haweeneyda iyo 4-ta caruurta ah ayaa meesha ku basbeelay  waxaa arintaan ay saakay ka tahay  deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose mid laga hadal haayo dadka ayaa ku tilmaamaya mid ka baxsan biniaadanimada waxa lagu sameeyay qoyska.

Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaas xalay ka dhacday deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here