Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu cadeeyay in aysan jirin dad soomaaliyeed oo lagu dhibaateeyo deeganada maamulka Puntland.
Puntland waxa ay sheegtay in ay yihiin warar been abuur ah in deeganada maamulka Puntland lagu jirdilo dadka kasoo jeeda Koonfurta dalka soomaliya ee ku nool deeganada Maamulka Puntland.
Hadalka Puntland kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya xili ay soo baxeen warar ku aadan in deeganada maamulka Puntland lagu dhibaateeyo dadka kasoo jeeda deeganada kale ee soomaliya.
Dhanka kale xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya oo kasoo jeeda koonfurta dalka Soomaliya ayaa Puntland ku eedeeyay jirdilka dadka kasoo jeeda deeganada konfurta dalka soomaliya.



