Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee Bariga gobolka galgaduud ayaa ka warbaxiyay sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ee bariga Gobolka Galgaduud.
Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Bariga Galgaduud Gashaanle Axmed Maxamed Tareedishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Axmed Maxamuud Afrax oo ahaa ku-xigeenka sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa dhanka uruurrinta xoolaha dadka rayidka ah uu isku soo dhiibay gacanta ciidamada,
Gashaanle Axmed Maxamed Tareedishe Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaliyeed ee Bariga gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan saraakiil kale oo lasoo xiriirtay maamulka dowlada soomaliya ee Gobolka Galgaduud ee bartmaha dhulka soomaliya oo doonaya in ay kasoo baxaan dhanka al-shabaab.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee Bariga Galgaduud Gashaanle Axmed Maxamed Tareedishe ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ee bariga Gobolka galgaduud ay ka go’an tahay la dagaalanka Xarakada al-shabaab-ka oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud.

