Taliska Amisom oo Guddi u Xilsaaray Dhacdadii ka Dhacday Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidamada amisom ayey ku sheegeen maanta in ay baarayaan sababta dhabta ah ee ka dambeysay dilka afar qof oo shalay ay ciidanka amisom gaar ahaan kuwa Uganda ay dil ugu geesteen deegaanka buula mareer ee gobolka shabeelada hoose.

War saxaafadeedka  amisom ayaa sidoo kale lagu yiri in ay guddi u xil saareen baarista dadkaasi ay amisom ku laayeen gobolka shabeelada hoose.

”Waxaan aad uga xunahay dilka afarta qof ee shacabka ah oo ciidan keena ay u geesteen shalay ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka amisom.

Shalay ayay aheyd markii ciidamo ka Tirsan kuwa amisom  ay deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 4-ruux oo shacab ahaa Taliska ayaa sheegay in ciidanka ay ka shakiyeen gaariga  ay saarnaayeen dadka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here