Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Maxamed sheikh xasan xaamud iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa si wadajir ah waxa ay tababar ugu Fureen gudoomiyayaasha degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada booliiska ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu baran doono hagaajinta wadashaqeynta u dhaxeeysa labadaasi dhinac.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo Furitaanka Tababarka ka Hadlay ayaa ugu baaqay gudoomiyayaasha degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada booliiska ee gobolka Banaadir in ay tababarkaan si wanaagsan ugu faaideystaan. muhiimad gaar ahna u leeyahay dhanka amniga.
Dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo dhankiisa Furitaankii tababarka Hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedka Tababarkaan uu yahay sidii loo heli lahaa wada-shaqeyn dhaxmarta gudoomiyayaasha degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada booliiska ee gobolka Banaadir.








