Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Xukumay Magaalada Palermo ee Dalka Talyaaniga

0

Maxkamad ku taala Magaalada Palermo ee dalka talyaaniga ayaa xukun 30-sano xasbi ah waxa ay ku xukuntay muwaadin soomaliyeed oo lagu helay dambi ah in uu ahaa muqalas dadka  kasoo dhoofiya xeebaha dalka Libiya geeyana  Gudaha dalka Talyaaniga.

Mouhamud Elmi Muhdin oo ah muwaadin soomaliyed ayaa lagu xukumay 30-sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah in uu ka shaqeeyo arimaha muqalasnimada sida tahriibinta dadka.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay  in Mouhamud Elmi Muhdin  uu ka dambeeyay dhimashada 366-qof oo tahriibayaal ahaa oo sanadkii 2013-kii dooni kula dagtay xeebaha Lampedusa ee jasiirada Island. Waxaana ka badbaaday 155-qof oo kamid ahaa tahriibayaasha

Duqa Magaalada Lampedusa ee jasiirada Island Giusy Nicolini. Ayaa tilmaamay in Mahamuud  uu sidoo kale ka dambeeyay kufsi iyo jirdil loo geystay haween tahriibayaal ahaa sanadkii 2013-kii.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here