Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Lagu Wareejiyay Sarkaalkii ka dambeeyay dilka Taliyihii Nabad Sugida Qoryooley

0

Ciidamada Midowga Africa ee amisom ayaa Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlada soomaliya waxa ay ku wareejiyeen sarkaalkii ka dambeeyay dilka Taliyihii Nabad sugida degmada qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sarkaalkaan ayaa ka dambeeyay dilka Taliyihii Nabad sugida degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markiii uu muran soo kala dhaxgalay Taliyaha la dilay iyo sarkaalka sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilka kadib sarkaalka ayaa ka baxsaday Goobta uu dilka ka geystay balse ciidamada amisom ee ku sugan degmada qorxooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan sarkaalkaan ka dambeeyay dilka Taliyihii Nabad sugida degmada qoryooley.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here