Dalalka islaamka oo Dowlada iiran ku eedeeyey in ay Taageerto Al-shabaabka Soomaliya.

0
Iranian President Hassan Rouhani arrives the Organisation of Islamic Cooperation (OIC) Istanbul Summit in Istanbul, Turkey April 14, 2016. REUTERS/Arif Hudaverdi Yaman/Pool

Dalalka islaamka oo shir  ku lahaa magaalada Istanbul ayaa dowlada iiraan ku eedeeyey in ay taageero balaaran siiso Al-shabaab iyo ururo kale oo islaamiyiin ah.

In ka badan 50 wadan ayaa hogaamiyaashooda waxa ay iiraan sicad ugu eedeeyeen in ay qeyb ka tahay taageerada ururada islaamiga ee ka dhisan dalalka soomaaliya, Syria, yemen , iyo dalka baxreen.

Hogaamiyaasha ururka islaamiga ee OIC ayaa cambaareeyey fara galinta ay iiraan ku sameyneeso dalalka islaamka oo ay sicadna ugu taageereyso ururada islaamiga ah.

Madaxweynaha dalka iiraan xasan ruuxaani oo ka mid ahaa  57 hogaamiye oo ka socda dalalka islaamka ayaa diiday eedeenta uga timid hogaamiyaasha dalalka islaamka.

Shir balaaran oo ay ka qeyb qaateen in ka badan 50 wadan oo islaam ah ayaa kusoo gabagaboobay dalka turkiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here