Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka oo Xalay guri uu ka dagganaa Degmada Baladxaawo lagu weeraray ayaa sheegay in lagu daba jiro dad lagu tuhmayo in ay masuul ka haayeen Weerarkaasi.
Xildhibaan Mataan oo ah Mudane ka tirsan Baraarlamaank Federal-ka Soomaaliya oo u waramay Idaacada Simba ee Muqdisho ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Weerar Bam-baanooyin loo Adeegsaday oo Xalay lugu qaaday Xil uu ku Sugnaa Guri uu ka dagaanyahay Degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo.
Xildhibaan Mataan ayaa sheegay in Weerarkaasi Ujeedkiisu uu ahaa in lugu waxyeeleeyo asaga balse uu ka badbaaday waxaana xusay haba yaraatee aysan jir wax ka soo Gaaray Weerarkaas marka laga reebo dad ay qaraabo yihiin oo haween u badan oo Dhaawacyo Fudud ay soo gaareen.
Xildhibaan Mataan oo sii hadlayey ayaa sheegay in laamaha Amaanka Degmada Baladxaawo wali ku Howlanyihiin Baaritaanka Weerarkaas oo uu sheegay inay ka danbeeyaan wax uu ugu yeeray qaswadayaal jiritaanka nolosha diiddan siduu hadalka u dhigay Asagoo rajo ka muujiyey in gacanta lugu soo dhigo Kooxihii ka Danbeeyey Falkaas.
Xalay Fiidkii ayaa waxaa weerar loo adeegsady bambaanooyin nuuca gacanta lag tuura ah waxa lagu weeraray hooy uu dagmada Baladxaawo uu ka dagganyahay Xildhibaankan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,waxaan hadda lagusoo waramayaa in Ciidanka ammaanka degmadaasi ay wadaan howlgallo lagu baadigoobayo dad laga yaqaanno degmadaasi kuwaasi oo la sheegay in lagu tuhmayo in falkaasi ay ka dambeeyaan.

