Deegaanada Maamulka Puntland oo Laga Mamnuucay Gawaarida Muraayadaha Madowga leh

0

Deeganada Maamulka Puntland waxaa maanta Laga Mamnuucay gawaarida muraayadaha beensalka/madowga leh. Kadib amar kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Maamulka  Puntland,

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, Korneyl C/risaaq Maxamuud Yuusuf (C/risaaq Afgaduud), ayaa wuxuu maanta uu ku dhawaaqay awaamiirta lagu soo rogay gawaarida muraayadaha madow. kadib shir jaraaid uu ku qabtay Magaalada Garoowe

Korneyl C/risaaq Maxamuud Yuusuf (C/risaaq Afgaduud), waxa uu tilmaamay in awaamirtaan ay tahay tii ugu dambeysay oo lagu soo roggo deegaanada maamulka  Puntland, islamarkaana cid kasta oo dhagaha ka fureysta ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, Korneyl C/risaaq Maxamuud Yuusuf (C/risaaq Afgaduud),  waxa uu si cad u sheegay in  gaadiidka beensalka leh ay isticmaali karaan Madaxweynaha Puntland, Dr C/wali Maxamed Cali Gaas, Ku Xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa, Meesha waxa uu ka saaray in ay isticmaalaan gawaarida muraayadaha beensalka/madowga leh. Golaha wasiirada,xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland.

Deeganada Maamulka Puntland maalmihii dambe waxa ay laamaha amniga ka sameenayeen howlgal balaaraan kadib  dagaalkii ka dhacay xeebaha deeganada Maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here