Shir Weynaha Dalalka Islaamka oo Sanadkaan Loogu Hadlay Arrimo Soomaliya ku Saabsan

0

Waxaa maanta Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka Furmay Shir weynaha dalalka Islaamka oo sanadkaan loogu hadlay arrimo ku saaban Wadanka Soomaliya.

Shirka oo maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka turkiga oo ahaa kii 13-aad ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 30 Madaxweyne, R/wasaarayaal, iyo madax kale, waxaana lagu soo hadal qaaday in dalalka Islaamka ay ka furtaan safaaradahooda Somaalia si ay door uga qaataan xoojinta xiriirka Somaliya iyo dalalka xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamamka siiba arrimaha la xiriira mustaqbalka Somaliya inay dowr muuqda ka ciyaaraan.

Wakaaladda Wararka Islaamka Iina oo warkan soo warisay ayaa sheegtay in shirweynahan uu dib u cusbeynsiin doono taageeridiisa dhinac walba ah iyo dadaalka ay iminka wado xukuumadda Soomaaliya kaasi oo salka ku haya xaqiijinta danaha Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd.

Sidoo kale Wakaaladda Wararka Islaamka Iina ayaa tilmaamay in wadamada xubnaha ka ah Ururka iskaashiga Islaamka ee maanta shirka ugu Furmay Magaalada  Istanbuul  ay sii xoojin doonaan canbaareynta falalka Alshabaab ka geystaan Somaliya iyo guud ahaanba waddamada la jaarka siiba mantiqada Geeska Afrika.

Shirweynaha kan xiga ee 14-aad ee Ururka iskaashiga Ismaamka ayaa la isku raacay in lagu qabto dalka Gambia sanadka 2018ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here