Maamulka Somali-land ayaa ka hadlay shirarkii madasha wadata-shiga qaran ee kii u dambeeyey maalintii Talaadadii lagu soo gaba gabeeyey magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya.
Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cabdullaahi Cismaan Saxardiid (Caddaani) oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somali-land ayaa sheegay in go’aanadii kasoo baxay shirkii madasha watashiga ay gaar u yihiin dhinacyada soomalida isla markaana uusan quseenin maamulka Soomali-land,
Wasiir Caddaani, ayaa sheegay in qaar kamid ah qodobbada ka soo baxay shirka madasha wadata-shiga qaranka ay lidi ku yihiin aayaha Somaliland, gaar ahaan qodobka la xiriira midnimada Soomaaliya oo uu xusay in aysan wax qeyb ah ka aheyn.
Maamulka Somali-aland ayaa horey u sheegay in cid kasta oo magaceeda wadato oo ka qeybgasha shirarka madasha wada-tashiga qaran aysan iyadu wakiil ka aheyn.

