Dabkan oo bilowday Gabal dhicii Galabta ayaa waxaa uu ka kacay Dekadda Magaalada Muqdisho,waxaana uu socday in muddo ah.
Dabka ayaalagu waramayaa in uu ka kacay Meel u dhaw Saldhigga Ciidanka Waxaana la sheegay in dadbka uu geystay qasaare kala duwan.
Masuuliyiinta Degmada Xamar Jajab ayaa U sheegay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho in ay ku guuleysteen daminta dabka Ka Kacay Xaafad ka mid ah degmadaasi.
Markuu dambku kacay Waxaa goobta durbaba gaaray Xubno ka socda Waxaada dab damiska Gobolka Banaadir oo uu hogaaminaayo agaasimaha Waaxda Dab damiska Gobolka,waxaana gurmad iyo dadaal badan oo aan look ala harin kadib goor dhaw oo caawa ah lagu guuleystay in dabkii la damiyo.
Wali si dhab ah looma haayo tira koobka qasaaraha ka dhashay dabkaasi ka kacay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Dekadda Magaalada Muqdisho.’

