Wararka caawa Naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in ay dagan tahay xaalada Magaaladaas kadib markii galabta uu dagaal culus ka qarxay Garoonka Cadaado.
Dagaalkan, ayaa wuxuu u dhaxeeyay sida la sheegay nin ganacsade ah oo qaadka keena Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud iyo Ciidanka ammaanka Garoonka Cadaado, oo sida la sheegay la saftay ganacsade kale oo qaadka keena Magaalada.
Odoyaasha dhaqanka Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku baxay dagaalka ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud waxayna ugu dambeyn ay ku guuleysteen in ay kala dhaxgalaan dhinacyadii ku dagaalamayay Garoonka cadaado.
Ugu yaraan shan qof oo ku dhaawacantay dagaalka ka dhacay Garoonka Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Cadaado,

