Waxaa caawa Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaliya gaar ahaan xarunta Xalane lagu soo Gaba-gabeeyay shirkii looga Hadlaayay arimaha doorashooyinka sanadka 2016-ka oo dalka ka dhacaya
Shirka waxaa laga soo saaray War Martiyeed ka kooban ilaa 10-qodob ay ku wada heshiiyeen dhinacyadii ka qeyb galay shirka sida dowlada soomaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira Puntland , Juba-land, Koonfur Galbeed soomaliya iyo Maamulka Galmudug
Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb Galay Madax ka socotay beesha caalamka waxaana kamid ahaa Denjiraha qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha soomaliya Nikolas Key iyo Madax kale oo shirka lagu casuumay
Qodobada lagu heshiiyay waxaa Bahda saxaafada u aqriyay wasiirka arimaha Gudaha dowlada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odowaa
Halkaan ka aqriso qodobada lagu heshiiyay + Sawiro







































