Madaxweynaha Koonfur Galbeed soomaaliya oo la kulmay safiirka imaaratka ee Soomaaliya.

0

Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed  ee soomaaliya Shariif Hassan Sheikh Adam ayaa maanta kulamo  la qaatay safiirka imaaratka u fadhiya soomaaliya Mohammed Ahmed Al Othman,.

Shariif xasan sheikh aadan oo ka mid ahaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ka qeyb galay shirkii madasha wadatashiga ee lagu soo gaba-gabeeyey maanta magaalada muqdisho ayaa markii uu shirkaasi soo dhamaaday kulamo la qaatay safiirka imaaratka ee soomaaliya.

Labada masuul oo kulan kooda uu ka dhacay gudaha safaaradda imaaratka ee soomaaliya ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka inmaaratka iyo maamulka koonfur galbeed soomaaliya ka dhaxeeya.

Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday in imaaratka uu maamulka koonfur galbeed ka caawiyo hormarka maamulkaasi.

Gabagabada kulankaasi ayaa Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ee soomaaliya Sharif Hassan Sheikh Adaan uu aad u amaanay ugana mahad celiyey taageerada imaaratka ee soomaaliya.

Al Othman safiirka imaaratka ee soomaaliya ayaa isagana u mahad celiyey Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ee soomaaliya Sharif Hassan Sheikh Adan sida uu madaxweynaha u daneenayo xoojinta xiriirka imaaratka iyo maamulka koonfur galbeed soomaaliya ka dhaxeeyo.

Dalka Imaaratka carabta ayaa ka midaa dowladaha taageera soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here