Galmudug oo Guulo ka Sheegatay Dagaaladii ka Dhacayay Gobolka Galgaduud

0

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaaladii maalmihii dambe ka socday Gobolka Galgaduud ee u dhaxeeyay ciidamada Galmudug, kuwa dowlada soomaliya, amisom iyo Xarakada al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) oo  shir jaraa’id ku qabtay Magaalada  Cadaado ayaa sheegay in ciidamada Galmudug, kuwa dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo iska kaashanayo ay gacanta ku dhigeen deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud. oo mudooyinkii dambe ay gacanta ku hayeen al-shabaab.

Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug waxa uu tilmaamay in ay sii socon doonaan Howlgalka ay iska kaashanayaan ciidamada Galmudug, kuwa dowlada soomaliya iyo amisom oo  Gobolka Galgaduud loogu saarayo  qeybaha ay kaga sugan yihiin al-shabaab.

Maalmihii dambe waxaa ka dhacayay deegaano Hoos yimaada gobolka Galgaduud dagaalo u dhaxeeyay  ciidamada galmudug kuwa dowlada, amisom iyo  Xarakada al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here