Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la soo gaba gabeeyo Shirkii u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, ee loogu hadlaayay dooorashooyinka dalka ka dhacaya Iyo qaabka u dhacayso.
Shirkaan oo labadii maalin aynu soo dhaafnay ka soconayay Magaalada Muqdisho ayaa loogu hadlay arimaha ku aadan Doorashooyinka iyo qaabka Doorashada ay u dhaceyso. Iyo arimaha ku aadan sida loo soo xulayo Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee ay yeelanayso Dowladda cusub ee imaan doonto.
Suxufiyiinta ayaa loogu yeeray Xarunta Madaxtooyada soomaliya oo lagu soo bandhigi doono Qodobada Heshiiska ee Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada ay isla garteen.
Waan idin soo Gudin doonaa wixii kusoo kordha warkaan.

