Dowlada Baxreen oo ka Digtay in Al-shabaab ay Afduubtaan Maraakiibta Caalamiga ah.

0

Saraakiisha ciidamada badda dalka Baxreen ayaa waxa ay sheegeen in Al-shabaab iyo ururo kale oo islaamiyiin ah ay Qatar ku yihiin afduubashada maraakiibta caalamiga ah ee adeegsada biyaha soomaaliya iyo kuwa bariga dhexe.

Hadal qoraal ah oo laga soo saaray magaalada Manama ee xarunta dalka baxreen ayaa lagu yiri in aysan quwadaha dunida dhayalsan qatarta al-shabaab ee ka jirta dalka ku yaala bariga geeska afrika ee soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka badda ee dalka baxreen ayaa sheegay in saddex marin ee caalamiga ah ay hadda halis ugu jiraan in kooxaha islaamiyiinta ee bariga afrika iyo kuwa bariga dhexe ee daacish ay  fariisimo ku yeeshaan halkaasi oo ay ka afduubanayaan maraakiibta caalamiga.

Qadadka caalamiga ah ee saddexda ah ayaa kala ah Suez Canal, Bab el Mandeb strait iyo  Strait  Hormuz,  halkaasi oo 20 % boqolkiiba 20 la mariyo saliida ay wadaan maraakiibta caalamiga.

Waxaa kaloo baxreen ay ka digtay in ay siijiraan kooxaha burcad badeeda soomaalida , oo ay ku sheegeen in lacagaha ay u helaan madax furashada ay siiyaan Al-shabaab oo dhul badan oo xeebaha ah ka taliya.

Dowlada Baxreen waxa ay sheegtay in burcad badeeda soomaalida sanadkii 2011-kii oo kaliya ay weerareen 237 markab oo kuwa caalamiga ah.

Sanadkaasi ayaa baxreen ay sheegtay in lacago ka badan 2 million oo dollar ay madax furasha ahaan u heleen burcad badeeda soomaalida.

SOURCE: Stars and Stripes

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here