Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud:- Al-Shabaab Waxaa Laga Saaray Magaalooyin Waaweyn

0

Madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska the Washington post ee kasoo baxa dalka mareykanka ayaa ka hadlay xaaladaha amniga.

Wareysiga madaxweyne xasan sheikh maxamuud uu siiyey wargeyska the Washington post ayuu ku yiri  “Al-shabaab waxaa laga saaray dhowr fariisimo muhiim ahaa kuwaasi oo ay kula haayeen magaalooyin waaweyn oo muddo dheer ay ka talinayeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 5 sano kadib markii qaramada midoobe ay xoojisay taageerada soomaaliya ay siinayso in ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ay ku guuleesteen dagaaladii ay Al-Shabaab kula galeen wadooyinka iyo magaalooyinka xeebaha ah oo Al-shabaab ay maamulayeen.

Xasan sheikh ayaa sidoo kale sheegay in dowlada soomaaliya ay ka baxday xaaladii adkeyd taas badalkeedana in hadda uu dalka leeyahay baarlamaan wax soo dooran kara marka la gaaro bisha August  ee sanadkaan oo dowlada xasan shiek ay ku ektahay mudadeeda.

”Dowlada waxa ay isku dayday bixinta mushaaraadka iyo qalab siinta ciidamada balse ma aysan ku guuleysan ayuu yiri mudane xasan sheik maxamuud.

“Dowlada soomaaliya ma bixin karto mushaarka ciidamada isla markaana awood uma lihin in qalab tayo leh aan siino ciidanka soomaaliya sidaas waxaa yiri madaxweyne xasan sheik maxamuud”.

Madaxweynaha ayaa wareysiga uu siiyey wargeyska the Washington post ku yiri ”reer galbeedka ma aysan gudoon siinin dowlada soomaliya balan qaadyo ay kula hishiiyeen iyadoo uu madaxweynaha ku sheegay in ay  aamin sanyihiin jiritaanka musuq maasuq been abuur ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here