Saraakiisha Kenya oo Sheegay in Al-shabaab ay Gubeen Saldhigyo Ciidan oo kuyaalo Wajeer Hub iyo Gaadiidna ay ka Qaateen.

0

Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Kenya kula haayeen deegaanka wajeer ee  gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa qiray in ay Al-shabaab dab qabad siiyeen saldhigo ay ciidanka kenya kula haayeen degmada Wajeer , waxaana sidoo kale saraakiishaan ay warbaahinta u sheegeen in hub iyo gawaari dagaal ay ka qaateen saldhigyadaasi.

Saraakiisha waxaa kaloo ay sheegeen in ay Al-shabaab ka dhaawaceen laba dagaal yahan oo kuwii soo wareeray degmada wajeer ka mid ahaa.

Goobta saldhigyada ciidanka Kenya ay Al-shabaab ku gubeen ayaa lagu magacaabaa Diff oo 10Km u jirta xadka ay wadagaan soomaaliya iyo Kenya.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Al-shabaab ay sidoo kale gubeen ilaa iyo 6 dukaan  oo mid ka midaa uu leeyahay gudoomiyaha Magaalada Wajeer Cumar Xuseen.

Qaar ka midaa gawaarida saldhigaasi laga xaday ayaa waxaa ku jira gaari nuuciisu yahay Land Cruiser.

Saraakiisha ciidanka Kenya ayaa dhankooda sheegay in weerarkaasi  ay kaga dhaawacmeen 12 askari oo dhaawacooda  loo qaaday isbitaalada magaalada Wajeer.

Laamaha amaanka Kenya ayaa hadda magaalada Wajeer iyo goobaha ka ak dhow waxaa ay ka wadaan baaritaano ay baadi goobayaan hubkii iyo gawaaridii laga qabsaday.

SOURCE:THE STAR.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here