Wasiirada Caafimaadka oo Qalab Caafimaad ka Guddoontay Jaaliyada Soomaalida Finland

0

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo maanta shir jaraaid ku qabatay xafiiskeeda ayaa sheegtay in wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaliya ay qalab caafimaad ay ka guddoontay Jaaliyada Soomaalida ee dalka Finland’ “Somali Finland Association”.

Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa ugu horeyn ugu Mahadcelisay  Jaaliyada Soomaalida ee dalka Finland’ “Somali Finland Association”. Qaabka ay u garteen in qalab caafimaad ay soo gaarsiiyaan bulshada Soomaliyeed, waxayna tilmaamay in qalab caafimaad uu wax badan ka badali doono horumarka dalka. Gaar ahaan dhanka Caafimaadka.

“Haddii wax la wada qabto wax badan ayay ka badali kartaa horumarka dalka, runtii waxaan idin leenahay mahadsanidiin, ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed

Wasiirka Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa dhanka kale sheegtay in qalabka caafimaad sidoo kale la gaarsiin doono qaar kamid ah goobaha caafimaad ee Gobolada dalka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here