Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid furitaanka kalfadhiga 8-aad ee mudanayaasha baarlamanka soomaliya oo maanta lagu waday in uu ka furmo xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari ayaa mudanaayaasha baarlamanka ku wargaliyay in uusan furmi Karin kalfadhiga 8aad ee Mudanaayasha Baarlamanka Soomaliya madaama madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh maxamuud oo ahaa mas’uulkii Furi lahaa kalfdhiga uu ku mashquulsan yahay arrimo kale.
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale shaaciyay in maalinta bari ah uu furmi doono kalfadhiga 8-aad ee mudanaayasha Baarlamanka soomaliya.

