Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Furi Doona Shirka Loogu Hadlaayo Dooorashada

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh ayaa maanta furi doona shirka loogu hadlaayo qaabka ay u dhaceeyso doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud,Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke, Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynayaasha Maamulada Juba-land,Galmudug, Koonfur Galbeed soomaliya, Puntland iyo madax ka socota beesha caalamka oo dhamaan Muqdisho ku sugan.

Qodobada shirka  Maanta loogu hadlaayo waxaa kamid ah soo xulista Aqalka sare iyo Aqalka hoose iyo awoodaha madaxda maamul goboleedyada ay ku yeelan doonaan soo xulista labada aqal. Oo dhawaan lagu heshiiyay.

Dhanka kale Gaba-gabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan qaabka ay u dhacayso doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here