Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif xasan Shiikh aadan ayaa si deg deg waxa uu u amray in La Magacaabo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.
Wasiirka warfaafinta iyo wacyi galinta dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya mudane Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay kula Hadlay ayaa u aqriyay wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee lagu amaray in si deg deg ah lagu magacaabo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee maamulkaasi.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa kusoo beegmaysa xili Deeganada Maamulka Koonfur Galbeed aysan ka jirin Maxkamada sare oo la xisaabtanta dadka dhibaatooyinka geysta.

