Madaxweynayaasha Puntland iyo Juba-land oo Saakay kusoo Wajahan Magalaada Muqdisho

0

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Juba-land Dr C.wali Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ka qeyb gali doona kulamo ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale ka qeyb galayaan Madaxda dowlada soomaliya kaasi oo loogu hadlaayo hanaanka doorashooyinka soomaliya, Iyo dhameystirka heshiiskii ay dhawaan wada galeen dowlada dhexe ee soomaliya iyo maamulka Puntland.

Dowlada dhexe ee soomaliya iyo maamulka Puntland ayaa dhawaan heshiis kuwada gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal maamulka Puntland ayaa muddo badan  kasoo horjeeday qaadashada hanaanka 4.5 in lagu saleeyo doorashada soomaliya ka dhacaysa.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here