Midowga yurub oo Lacago Lagu Taageerayo Waxbarashada ugu Deeqay Dalal ay Soomaaliya ku jirto

0

War saxaafadeed laga soo saaray xarunta midowga yurub ee magaalada Brussels ayaa lagu sheegay in ururka midowga yurub uu lacago gaaraya €52 million oo Euro loogu deeqay 42 wadan oo soomaaliya ay ka mid tahay.

Ururka ayaa sheegay in  2,300,000 oo caruur ah ay hada 42 wadan ee lacagaha loogu deeqay in ay heesato xaalad adag oo dhanka waxbarashada.

Warsaxaafadeedka  midowga yurub ayaa lagu yiri in golaha uu dagaal adag kula jiro dhibaatada jahliga ee ka jirta dalal dhowr ah.

Dalalka ay waxbarashada hooseeso ka jirto midowga yurubna lacagaha uu ugu deeqay ayaa kala ah Somalia, Afghanistan, Armenia, Georgia, Burkina Faso, Cameroon, Chad, Niger, Nigeria, Central African Republic, Colombia, Democratic Republic of Congo, Djibouti, Ecuador, Egypt, El Salvador, Ethiopia, Guatemala, Honduras, India, Iran, Iraq, Kenya, Lebanon, Libya, Madagascar, Mali, Mauritania, Myanmar, Pakistan, Occupied Palestinian Territory, Philippines,  the Republic of South Sudan, Sudan, Syrian Arab Republic, Tanzania, Burundi, Rwanda, Uganda, Ukraine iyo dalka Yemen.

Gabagabada warsaxaafadeedka midowga yurub ayaa lagu sheegay in midowga yurub oo ay caawinayaan hay-adaha caalamiga ee ka shaqeeya howlaha aadanaha  sida ACTED, Adra, Concern Worldwide, COOPI Cooperazione Internazionale, Croix Rouge, DanChurchAid, Danish Refugee Council (DRC), Finn Church Aid (FCA), Handicap International, HOPE’87, International Medical Corps, the International Organization for Migration (IOM), International Rescue Committee (IRC), the Lutheran World Federation, Norwegian Refugee Council, Plan International, Plan Spain, SOS Kinderdorf, Save the Children, Terre des hommes, Triangle, the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR), the United Nations Children’s Fund (UNICEF) iyo hay-ada War Child ay bixin doonaan taakulo ku aadan in dalalka soo korayo laga caawiyo xaga waxbarashada.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here