In kabadan 10 ruux oo soomaali ah ayaa maanta waxaa soo badbaadiyey ciidamada ilaalada ee xeebaha dalka masar.
Dooni ay saarnaayeen 13 muhaajiriin soomaali ah iyo saddex masaari ah ayaa laga soo badbaadiyey badda xili ay u socdeen xeebaha dalka talyaaniga qaarada Yurub.
Mohamed Samir oo ah afhayeenka militriga dalka masar ayaa sheegay in muhaajiriintaan soomaalida ah ee lasoo badbaadiyey ay iskugu jiraan haweyn, caruur iyo rag dhalinyaro ah.
Afhayeenka ayaa sheegay in tan iyo bishii December ee sanadkii hore ay badbaadiyeen 22,026 oo muhaajiriin ah kuwaasi oo ka yimid badankood dalalka soomaaliya iyo Eretria.
Maalinkii talaadada ee isbuucii hore ayaa xeebta magaalada Kafri el Sheikh laga helay meydadka 5 qof oo afar ka midaa ay soomaali yihiin halka midka kalane uu u dhashay dalka masar.
Mohamed Samir waxaa kaloo uu sheegay in khamiistii lasoo dhaafay ciidamada masar ee ilaaliya xeebaha dalkaasi ay xabsiga dhigeen 131 qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo heysta dhalashooyin kala duwan.

