Waxaa saakay dagan xaalada duleedka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Kadib markii shalay dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada soomaliya amisom iyo kuwa al-shabaab oo ka ariminaayay sanadihii dambe.
Dagaal saacado badan socday kadib ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom waxaa u suurta gashay in ay Gudaha u galaan degmada aadan yabaal ee Gobolka dhexe oo muddo 8-sano ah ay maamulayeen maamulka Xarakada al-shabaab.
Maxamuud Sheekh Xasan, Gudoomiyaha Degmada Aadan Yabaal, ee Gobolka shabeelaha dhexe oo idaacada simba la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada al-shabaab ay degmada ka baxeyn waqti hore ayna xalay ku hoydeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.
Sidoo kale ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ayaa isla shalay la wareegay Tuulada Bubaax oo 15 Km u jirta Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan halkaas oo mudooyinkii dambe ay gacanta ku hayeen al-shabaab.
Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ayaa Mudooyinkii dambe waxa ay wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ku doonayaan in ay kula wareegeen degmooyinka Gobolka shabeelaha Dhexe ay kaga sugan yihiin ciidamada al-shabaab.

