Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada dagaalka ICC ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa shaacisay in la joojiyay dacwadii loo haystay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.
Garyaqaanada maxkamada caalamiga ee ICC ee dalka Holland ayaa tilmaamay in dacwad kale la soo bilaabi doono dhawaan, kadib markii Faragalin lagu sameeyay marqaatiyaasha.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa loo heystaa in uu mas’uul ka ahaa dilal iyo barakicin lagula kacay dad shacab ahaa sanadkii 2007-dii kadib doorashooyinka dalkaas ka dhacay, halka wariye Joshua Sang. eedeemo sidaan oo kale loo heysto iskastoo labadaba ay beeniyeen eedeemaha loosoo jeediyay.
Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada dagaalka ICC ayaa sidaan oo kale u joojisay dacwado loo heystay Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta.

