Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Sheikh Mansur oo taliska amisom maanta shaaciyeen in lagu dilay dagaaladii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose uu ahaa nin u dhashay dalka Kenya isla markaana al-shabaab u qaabilsanaa dhanka tababarada.
War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Sheikh Mansur in uu ahaa nin shabaab u qaabilsanaa dhanka Tababarada ciidamada shabaab isla markaana haystay dhalashada Kenya sanado ka horna ku biiray al-shabaab.
Afhayeenka ciidanka Kenya David Obonyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Sheikh Mansur uu ahaa muwaadin u dhashay kenya isla markaana al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Tababarada ciidamada.
Taliska amisom ee soomaliya ayaa maanta shaaciyay in ay dileen lix sarkaal oo al-shabaab ahaa kuwaasi oo kala ahaa Abdirashid Bugdube oo ka tirsanaa saraakiisha Shabaab ee Deegaanka Janaale, Aaden Baale oo Shabaab masuul uga ahaa deegaanka Leego, Sheikh Mohamed Ali oo Saraakiisha Janaale ka mid ahaa, Mohamed Abriba oo Garsoore Jannaale ka ahaa , Hassan Ali Dhore, madaxii amniyaadka Shabaab, Abu Islaam oo ahaa Yemani ku taqasusay qaraxyada iyo Sheeikh Mansur oo Kenyaan ah tababarada qaabilsanaa.
Ciidamada amisom iyo kuwa dowlada soomaliya ayaa Todobaadyadii ugu dambeeyay Gobolka shabeelaha Hoose waxa ay ka sameeyeen howlgal balaaran waxaana gobolka ka dhacay dagaal dhaxmay iyaga iyo al-shabaab.

