Wararka naga soo gaaraya Duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellaha dhexe. Ayaa sheegaya in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia oo isku dhinac iyo al-shabaab in ay haatan ku dagaalamayaan duleedka degmadas.
Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan waxaana duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellaha dhexe. Laga maqlayaa rasaasta iyo hubka culus oo ay isweedaarsanayaan ciidamada dowlada Ethopia iyo kuwa al-shabaab.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Ethopia oo marayay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellaha dhexe.
wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

