Ciidamada Mareykanka oo  Gacanta ku Dhigay Hub badan oo loo Waday Xuutiyiiinta Yemen.

0

Ciidamada ilaalada mareykanka ee jooga xeebaha carabta ee bariga dhexe ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen  maanta oo isniin ah hub badan iyo doonidii siday.

Hubkaan ayaa dowlada mareykanka ay sheegtay in loo waday kooxaha xuutiyiinta ee dalka yemen ka dagaala.

Afhayeen u hadlay ciidanka mareykanka ee qabtay hubka ayaa sheegay in hubkaasi laga keenay dalka iiraan. Islamarkaana loo waday wadanka yemen.

Hubkaan ayaa iskugu jira qoryaha fudfudud iyo gantaalaha garbaha laga gamo. Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha u hadashay dowlada mareykanka.

1,500 oo rasaasta qoriga AK-47 ka dhacda ah iyo 2,000 oo gantaalaha garbaha laga tuuro. ayay isugu jireen hubka maanta la qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here