Howlgal Lagu Qab Qabtay 400 Oo Ruux oo Laga Sameeyay Xaafada Coca Cola ee Degmada Yaaqshiid+Sawiro

0

Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay howlgalo dad badan lagu soo qab-qabtay oo u badnaa dhalinyaro waxa ay ka sameeyeen Xaafada Coca Cola ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad sugida ayaa guryaha ku yaala degmada Yaaqshid waxa ay kasoo saareen dhalinyaro aad u fara badan iyagoo isugu geeyay hal meel. oo lagu kala saaray.

Afhayeenka Wasaarada Amniga  Gudaha xukuumada soomaliya Mudane C/kaamil Macalin Shukri oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka guud ahaan  lagu soo qabtay 400- oo qof kadibna la kala saaray.

Mudane C/kaamil Macalin Shukri ayaa Tilmaamay in ciidamada amniga ay  si gooni u soo  wateen 10-dhalinyaro oo lagu tuhmaayo in ay qeyb ka yihiin falalka dilalka iyo qaraxyada ka dhacay caasimada Muqdisho dhawaana lasoo bandhigi doono baaritaan kadib.

“Laamaha amniga waxa ay heleen  xogag ku aadan  in al-shabaab  ay doonayaan in ay dhibateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, marka si looga hortago, waan xoojineynaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.”Ayuu hadalkiis sii raaciyay C/kaamil Macalin Shukri

Ciidamada Nabad Sugida ayaa joogteeyay maalmihii dambe howlgalada laga sameenayay qaar kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho kadib markii caasimada ay ka dhaceen dilal loo geystay askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya.

1459844972db0e4 1459844987a21fa 1459844996ae3af 1459845016f2a88 1459845023f16da 1459845028edf98 1459845038e3abb 1459845053b697f 1459845059e5bcf 14598450023edee 14598450315c8f5 14598450630e7a1 145984498102b82 145984500052a42 1459844989890f3 14598449938659b

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here