Maamulka Xarakada al-shabaab ee Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay soo bandhigeen Yaxaas wayn oo ay ku sheegeen in uu ahaa cadow-ga umada.
Fagaare ku yaala Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa lagu soo bandhigay Yaxaaskaan oo dhirirkiisa lagu qiyaasay shan CM, waxaana lagu dilay beer ku dhow Webiga. Waxayna maamulka al-shabaab tilmaameen in yaxaaskaan uu ahaa mid dhibaatooyin ku hayay beeraha iyo dadka ku nool Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Maamulka al-shabaab Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay sheegeen in yaxaaskaan uu dilay askariga ka tirsan ciidamada al-shabaab kadib markii uu yimid beer ku dhawweyd wabiga.
Dhawaan ayay aheyd markii maamulka al-shabaab ay Yaxaas wayn ku dileen deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.









