Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Somalia oo Soo Saartay Digniino Dhanka Amaanka ah

0

War ka soo baxay wasaaradda Amniga Gudaha  Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu faray dhamaan bulshada Soomaaliyeed in ay Foojignaan weyn ka muujiyaan Qaraxyo loo adeegsanyo Gawaari Walxaha Qarxa laga Soo buuxiyay

Muwaadin Kasta ee Soomaaliyeed  ayaa loogu baaqay in uu dib u hubiyo Gaariga Yaalla Gurigiisa, Goobtiisa Ganacsi, Ama Garaashkiisa, si looga hortago Gawaari Xogtooda lasoo gaarsiiyay Hey’adaha Ammaanka dowlada soomaliya ,

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane C.Kaamil Maxalin Shukri oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in arintaan ay wasaarada ugu hortagayso dhibaatooyinka al-shabaab  u geysteen shacabka masaakiinta ah.

“Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxan uga digeynaa qataraha argagixisadu maleegayaan, waxan leenahay dib u hubiyo Mehradihiinna Ganacsi, Goobaha Baabuurta lagu Farsameeyo ama lagu Xareysto si gaar ah milkiilayaasha Garaashyada iska leh, waxaan heynaa xogta gaadiid la rabo in qaraxyo lagu geysto oo mid kamid ah aan saakay Qabanay, si aysan u baxsan gacan nagu siiya in aan ka badbaadino dadka Maatida ah” ayuu hadalkiisa raaciyay Mudane C.kaamil Macalin Shukri.

Hadalka wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo beegamaya xili maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah sida dilalka mas’uuliyada dowlada soomaliya ka tirsan iyo qaraxyo laga soo buuxiyo gawaarida raaxada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here