Madaxweynaha Puntland oo sagootiyey Waftigii uu Hoggaaminayey Dr.Tedros Adhanom

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04-Apr-2016 kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko ee duleedka magaalada Garoowe Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia ahna Guddoomiyaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee urur goboleedka IGAD  Dr. Tedros Adhanom iyo waftigii uu hoggaaminayey.

Dr. Tedros Adhanom ayaa Garoowe u yimi in uu qayb ka ahaado heshiikii dhexmaray  Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu jaan goynayey qaabka loosoo xulayo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii aan dalka dib loogu soo celiyeen hannaankii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 wixii ka dambeeya doorashada 2016-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in heshiiskii xalay lagu kala saxiixday Garoowe uu ahaa mid taariikhi ah isla markaana dhabbaha loogu xaadhayey sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo waddanka kasaarta waxqaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo dalka  ragaadiyey 16-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in  Dr. Tedros uu yahay dammaanad qaadaha heshiiskaasi, isla markaana beesha caalamka ee goobjooga ka ahayd heshiiska ay markhaatiyaal ka ahaayeen wixii ay ku heshiiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Ugu dambaytii, Madaxweynaha  Puntland ayaa wax aan suurta gal ahayn ku tilmaamay in dalka markale ay kadhici karto doorasho ku salaysan hannaanka  4.5 kaas oo xalay la jaan-gooyey in wixii kadambeeya 2016-ka aan wax lagu soo dooran doonin hanaankaasi.

“Marnaba suurta gal maaha in dalka dib loogu celiyo 4.5 wixii ka dambeeya doorashada 2016-ka, waxaana laga shaqayn doonaa qaabkii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ku salaysan deegaan inta ka horraysa 2020-ka”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

IMG_4395 IMG_4398 IMG_4399 IMG_4404 IMG_4417 IMG_4419 IMG_4436

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here