Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay Markii ay Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya kala saxiixdeen heshiiska ku saabsan in aan dalka dib loogu celin hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 isla markaana heshiiskaasi uu dammaanad ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Dr. Tedros Adhanom ayuu Madaxweynaha Puntland Khudbad ka jeediyey goobtii uu heshiisku ka dhacay oo ahayd Xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aanay saxeexin 4.5 balse ay saxiixeen inaa dalka dib loogu celin hannaanka 4.5 wixii ka dabeeya 2016-ka, sidoo kale sababta ay Puntland hore ugu saxiixi weydey 4.5 ayuu ku micneeyey Madaxweynaha Puntland in ay doonayeen in ay ahayd sidii aan mar dambe dalka dib loogu celin lahayn hannaanka 4.5 isla markaana looga gaadhi lahaa heshiis taariikhi ah oo dammaanad leh, taasina ay ahayd sababta ay xilligan soo gaadhsiisey.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadalkii shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ee ahaa in Puntland uu ku bogaadinaayo qaadashada nidaamka 4.5.
“waxaan aad uga xumahay in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ka-hordego heshiiskii Puntland iyo Dawladda Federaalka, waxaana u arkaa runtii in si ulakac ah larabey heshiiska in loo fashiliyo, heshiis kaas oo dawladda Federaalka, Puntland iyo Beesha caalamkuba ya waqti badan gelisey.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo beegamaya xii shalay Madaxweynaha Soomaliya uu hambalyo u direy Puntland oo ku aadan qaabka ay u aqbashaday qaadashada nidaamka 4.5.

