Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa maanta howlgalo waxa ay ka sameeyeen goobo cayiman oo ka mid ah Degmmoyinka magaalada Muqdisho.
Cabdikaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo howlgalkan uga Waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamada NISA ay maanta qadeen howlgallo qorsheysan oo laga sameeyay guryo iyo geerarshyo lagu xareeyo gaadiidka, halkaasina lagu soo qabtay kooxo hubeysan iyo hubka noocyadiisa kala oo xogtooda la hayay haddana baaris ayaa ku socoto.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale sheegay in howlgalo balaaran laga sameeyay Degmmoyinka Wadajir, Kaxda, Hodan iyo Yaaqshiid oo laamaha amniga dalka lagu soo wargaliyay in ay sugan yihiin meleeshiyaad lagu tuhmaayo in ay dilal ka geysteen saacadihii aynu soo dhaafanay Gudaha Magaalada Muqdisho.
Cabdikaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale tilmaamay In raga gacanta lagu dhigay ay haatan ku xiran yihiin xarunta Nabadsugidda Gobalka Banaadir ee loo yaqaano Godka Jilacoow baaritaano lagu sameyn doono.
Howlgalka ay ciidamada Nabad sugida ay ka sameeyeen Magalada Muqdisho ayaa kusoo beegamaya xili saacadihii aynu soo dhaafnay Magaalada muqdisho ay ka dhaceen dilal qorshaysan oo loo geystay shaqsiyaad dowlada Soomaliya ka tirsan.

