Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Degmada Xamar weyne, gaar ahaan nawaaxiga Shaneemo Afrika, rag hubeysaa ayaa halkaas ku dilay ruux la sheegay in uu la dhashay xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka soomaliya.
Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen shaqsigaan la sheegay in uu la dhashay xildhibaan ka tirsan baarlamanka soomaliya xilli uu doonaayay inuu galo gaarigiisa. oo yaalay meel aan ka fogeyn Shaneemo Afrika.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka lagu dilay degmada Xamar weyne in uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya.
Maalmihii dambe waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dilalka loo geysanayay shaqsiyaadka ka tirsan dowlada soomaliya.

