Kenya oo Saldhigyo Ciidan ka Hirgalisay Xadka ay la Wadaagto Soomaliya

0

Saraakiisha ciidamada ee dalka Kenya ayaa sheegay in la dhisay  saldhigyo cusub oo ay ku howl galayaan ciidamada booliska ee Kenya, xarumahaasi oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Saldhiyadaan ayaa gaaraya ilaa iyo 9 saldhig oo noqonaya saldhigyo ay ku howlgalaan ciidamada booliska Kenya.

Gobolka lamu oo u dhaw xadka soomaaliya ay Kenya la leedahay ayaa laga furay ilaa iyo 5 saldhig oo cusub .

4 kale ayaa laga hirgaliyey  sidoo kale Magaalada  Garissa oo horay Al-shabaab ay dad badani ugu dileen kadib weeraro ay ka geesteen gobolka.

james ole Serian waa gudoomiyaha howl galka lagula dagaalamayo AL-shabaab ee Linda Boni waxaa uu sheegay in howl galkaasi oo ka socday magaalooyinka xeebaha ku yaalo oo dowlada Kenya ay dhawaan shaacisay in la soo gabagabeeyey ay wali jirto halis dhanka hoodka boni ah oo kaga imaan karta Kenya Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here