Xarakada al-shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalkii dhawaan ka dhacay deeganada Maamulka Puntland.
Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab, oo warbaahinta al-shabaab la hadlay ayaa si kooban ugu hadlay dagaalkii qasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
‘Al-shabaab waxay shantii Jamaadul Awal, 1437 dagaallo xoogan ku qaadeen gobolada waqooy-bari iyagoona halkaas kula dagaalamayay maamulka Puntland. Hadafka duulaankaas wuxuu ahaa sidii sharciga Allah loo gaarsiin lahaa, looguna maamuli lahaa deegaanadaas, loogana dul qaadi lahaa maamulka cadowga garabka siiya. Dagaaladaas waxay al-shabaab ku bixiyeen naf iyo maal intaba iyagoo Allaah talo saartay, maciyadiisna magacan galaya, qadartiisana raali ku ah. waxaan geesiyada howshaas fuliyey ku leenahay Allaha idinka abaalmariyo dadaalkaas aad u gasheen Islaamka iyo ehelkiisa. Allaah waxaan weydiisaneynaa in uu shuhadadiina aqbalo, dhaawaciina caafiyo, asradiinana soo bad-baadiyo” ayuu yiri Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).
Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab ayaa qiray in ciidamada Maamulka puntland loogu adkaaday dagaalka balse ay Taageero weydeysteen ururka Nato iyo dowlada Ethopia.
“Dagaaladaas waxay soo shaacbixiyeen inta ay gaarsiisan tahay daba dhilifnimada Maamulka Puntland, kaasoo gurmadkii ugu horeeyay ka dalbaday xulufada NATO iyo Itoobiya. Dhanka kale waxaa Alle Mahadiisa ah inuu cadowgu la kulmay dharbaaxooyin culus, mudadii ay dagaaladaa socdeen naf iyo maal intaba.”
Dagaalo maalmo socday ayaa dhawaan ka dhacay deeganada Bari ee Maamulka Puntland waxayna maamulka Puntland ay soo bandhigeen askar u badneed caruur oo lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen al-shabaab.

