Madaxweynaha Mareykanka oo Amaanay Duqeynta ay Diyaaradaha Droneska ka fuliyaan Soomaaliya.

0

Madaxweynaha dalka mareykanka brack obama ayaa amaanay sida ay dowlada mareykanka diyaaradaheeda drones ka ay u duqeenayaan soomaaliya xili ay duqeyn la eeganayaan Al-shabaab.

Obama ayaa sheegay xili uu ka hadlaayey gabagabada shirka Washington ee looga hadlaayo hubka nukleerka  in ay tahay wax la bogaadiyo howl galka duqeenta droneska ee mareykanka uu ka wado soomaaliya  balse waxaa uu sheegay in aysan shaki ku jirin in dad badan oo soomaali ah kana tirsan bulshada rayadka ah ay ku dhintaan inta uu socdo howl galka duqeenta oo ay fulinayaan diyaaradaha aan cidi duulin ee droneska.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale sheegay in ay howl galka ay diyaaradaha mareykanka ay ka wadaan dalalka soomaaliya, libiya iyo dalka yemen ay hoos u dhigeen qatartii kooxaha xagjirka ah ee dalalkaasi.

Hadalka madaxweyne obama ayaa imaanaya iyadoo mareykanka uu khamiistii duqeyn ay diyaaradaha droneska ay ka fuliyeen degmada jilib ay ku dileen hugaamiyihii Al-shabaab ee dhanka sirdoonka xasan cali dhoore.

Duqeymihii ugu dambeeyey ee mareykanka uu ka fuliyey soomaaliya ayaa Al-shabaab ay ku waayeen xubno sarsare oo kooxda ka mid ahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here